X

Madaxweyne Cumar Al-Bashiir cudurdaar ayuu sheegtay: Wasiir Hadliye

Wasiirka arimaha dibedda Somaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa saxaafada u sheegay in madaxweynaha Suudaan sheegtay cudur daar oo aanu iman doonin shirka ka dhacaya Muqdisho.

Madaxda IGAD ayaa ku qulqulaya magaalada Muqdisho waxana ilaa hadda soo gaaray madaxweyneyaasha Kiiniya iyo Itoobiya halka la sugayo madaxda kale.

Cumar Al-Bashir ayaa aaminsan in Somaliya xor ahayn taasina ay keeni karto in beesha caalamku ku xirto garoonka Muqdisho inkasta oo ayna taasi dhici karin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.