X

Madaxweyne dadkiisa musqusha ku xidha oo xaqiijay shir su’aalo badan ka yimaadeen

Waxa magaalada Jabuuti maalinta Beri ah Ka furmi doona shir waqti lumisa laakiin fursad saxaafadeed u ah maamulka Muuse Biixi, fursad kalana u ah Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ku socdaan banaanbaxyo xawli ku socda oo ujeedadu tahay in dalku helo hogaan u qalma oo ka saara dhibaatada dhaqaale ee ay Ku jiraan.


“Ama Shir ha qabto ama yuuna qabanin wixiisu waa siigo isku qaris anaga halganku waa noo sidiisii ayuu yiri Xirsi Ugaas oo ka mida dhalinta isbedel doonka Jabuuti ah.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qoraal uu soo dhigey baraha bulshada Ku sheegay in shirka welli aan la garanayn cida dabada riixaysa, ayadoo xilli kala-guur lagu Jiro uu beri marti gelindoono, isagoo intaas raaciyay inuu sii dabasocdo shirar hore.


Wuxuu kaloo sheegay inuu casuumay raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed. Waxan la garanayn inuu iskaga wecinayo banaanbaxyada iyo inay sioo amreen CAbi Axmed ama Maraykanku ayagoo midba ka kale soo marayo.

Shirkaas ayaan wax faaiido ah ugu jirin madaxda qaranka waayo waxay la hadlayaan shaqsi xataa aan matalin jufadiisa Isaaq ayuu yiri Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga.


Ilaa hadda ma cada kaalinta uu ku leeyahay raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed oo aan la tusi karin Soomaali kala qoqoban laakiin Raba inta uu xukunka hayo in la helo jamhuuriyad xoogleh.

Guud ahaan shir ku sheega Beri waa sidii hore loo yiri igu sawir weliba u ah fadhiid Muuse Biixi iyo Ismaaciil Cumar Geelle oo dadka reer Jabuuti rabaan inay arkaan dhabarkiisa.


Mucaaradka Muuse Biixi ayaa iyagu sheegay in aanu matalin gobolka oo dhan ee ay tahay in iyaguna tagaan. Su’aasha ugu weyn ayaa ah yay madaxda qaranku la hadlayaan. Yay u dhaxaysaa masiirka magacan Ingiriisku bixiyay ee Somalilaan ilaa haddana uu dabajoogo inuu sii kala jaro dalka haddii uu dantiisa ka waayo dawlada dhexe.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.