X

Madaxweyne Erdogan oo Muqdisho ka soo degay sideese loo soo dhaweeyay: SAWIRO

Madaxweynaha Turkiga Dayib Erdogan ayaa mardhow ka soo degay magaalada Muqdisho halkaas oo laga filayay maalmahan. Erdogan ayaa ku soo horeeyay wadamo ku yaala bariga Afrika sida Kiiniya iyo Yugandha oo ciidamo ka joogaan Somaliya.

Turkiga ayaa dib u dhis balaaran ka sameeyay Muqdisho sida wadooyin uu dib u dayactirey iyadoo taasi awgeed faraha loo geliyay shirkado ka tirsan Turkiga in ay maamulaan dekeda iyo madaarka oo ah meelaha ay dawlada ka soo galaan dakhliga ugu badan.

Madaxweynaha Turkiga ayaan u baaqan xasuuq argagixisada shabaab ka gaysteen daraad magaalada Muqdisho halkaas oo ugu badbaan ay ku dileen 15 qof halka dad gaaraya 50 qof ay ku dhaawacmeen.

Imaanshaha Turkiga dalka Somaliya horaantii sanadihii 2011 oo dalka ay ka jirtey colaad xun iyo abaar ayaa soo jiidatay indhaha caalamka taas oo wadamo badan oo reer galbeeda ay ku baraarugeen khayraadka dalka.

Erdogan  ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka saaxiibtinimada ee ka dhexeeysa Soomaaliya iyo Turkiga.

Waxa dhinaca kale uu furayaa saxaarada u weyn caalamka ee Turkigu ku leeyahay Somaliya oo ku taal goob aad u bilicsan.

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.