X

Madaxweyne Erduqaan oo ka qayb galay arooska ciyaaryahan asalkiisu yahayTurki : SAWIRO

Madaxweynaha Turkiga Erduqaan ayaa ka qayb galay qayb weyna ka qaatey arooska ciyaaryahan asalkiisu Turki yahay laakiin guulo waaweyn u soo hooyay xulka Jarmalka oo uu ku dhashay.


Ciyaaryahan Mesut Ozil ayaa hadda u ciyaara kooxda Arsanaal ee dalkaasi Ingiriiska. Arooska ayaa aad looga daawadey aduunka waxana marti ku ahaa masuuliyiin waaweyn oo Erduqaan ugu weyn yahay.

Ozil ayaa sanadki hore ka dalbadey Erduqaan inuu ka soo qayb galo arooskiisa. Ozil ayaa guursaday gabadh Turki ah oo ah kuwa wax xayaysiiya.

Wuxuu ka fariistey xulka qaranka ee Jarmalka markii Jarmalku la kulmey guuldaro koobkii aduunka ee Ruushka iyo cunsurinimo uu kala kulmey saxaafada dalkaasi Jrmalka oo naqdiyay jinsiyadiisa.


Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.