Madaxweyne Farmaajo iyo ardey soo dhamaysatey xirfada booliisnimad. Xaflada 26 Juun iyo ciida is barkadey ayaa welli ka socota magaalada Muqdisho. Xafladan ayaa lagu qabtey daljirka dahsoon.
Madaxweyne Farmaajo ayaana waxaa hortiisa dhoola-tus ka sameeyay ciidamo boolis ah kuwaas oo ahaa dhalinyaro ka baxay Jaamacadaha Muqdisho kadibna tababar boolis Jabuuti ku soo qaatay.
Ciidamadan oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa ah kuwo xoog u tababaran oo iska cabin kara argagixiso kasta oo soo weerarta ayagoo aan u baahney caawimo. Waxaana madaxweynaha uu ka gadoomay salaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaas ka jeediyay Khudbad Xasaasi ah oo uu uga hadlay maalinta Xoriyadda gobollada Waqooyi (Somaliland)
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS