X

Madaxweyne Farmaajo muxuu Ka yiri xasuuqii ugu xumaa ee 14-ka Oktoobar

Maanta oo kale Laba sanno kahor waxa argagixisada Wahaabiyada ee gaalaysay dadkeena ay xasuuqii ugu xumaa Ka gaysteen isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho halkaas oo xilligan oo kale dadku ku mashquulsanaa nolol maalmeedkooda. Gaari ay Ka soo buuxiyeen walxaha ayaa NAFTA ugu jareen in Ka badan 550 qof.


Waxa intaas dheer dhaawaca oo welli aan Ka soo kabsan dhibtii soo gaaray ayna Kelli ku yihiin intooda badan dhibkaas. Waxaan la ilaaweyn boqolaal agoomoobey.

“Waa maalin aan la ilaawin karin oo isku fuuqsatey maalmihii kale ee xasuuqa ay Ku kaceen dhiigmiiratada wahaabiyada gaalaysa ummadeena.


“Qofkasta oo Soomaaliyeed waa uu xasuusan yahay dareenkii muragada lahaa ee ka dhashay weerarkan bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku bartilmaameedsadeen shacabkeenna. Si la mid ah taas waxaa muhiim ah in aan xasuusanno midnimadii, gurmadkii iyo sida dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed ay ugu wada istaageen wax u qabashada shacabkeennii ay dhibaateeyeen cadawgu ayuu yiri Farmaajo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.