Madaxweyne Farmaajo ayaa xusey maalinta ciidanka booliiska Somaliyeed. Xafladan oo lagu qabtey garoonka kubadda cagta ee Koonis ee magaalada Muqdisho ayaa madaxweyne Farmaajo sheegay in ay tahay maalin muhiim u ah ummada Somaliyeed.
Waxaa uu sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed laga rabo in ay kasbadaan Shacabka,Maadaama uu sheegay in ciidanka booliska ay yar yihiin, laakiin hadii ay kaashaddaan Shacabka ay guulo waa weyn soo hoyn karaan.
Tilaabada kaliyah ee lagu xaqiijin karo Ammaanka ayuu sheegay Madaxweyne Farmaajo in ay tahay in sare loo qaado Kalsoonida Shacabka si looga adkaado kooxda gaaleynta Muslimiinta.
Ciidanka booliiska Somaliyeed ayaa la aasaasay 1943 oo Somalida Koofureed ku jirtey maxmiyada Talyaaniga.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS