X

Madaxweyne Farmaajo oo qaabiley wafdi ka socday Masar: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayaa qaabilay wefdi ka socda dawladda Masar oo soo gaarsiiyey dhambaal hambalyo ah oo ay uga sideen dhiggiisa dalkaasi.



Wefdiga uu qaabilay madaxweynaha Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa hoggaaminayey Ergay gaar ah oo uu soo wakiishay madaxweynaha dalka Maser Cabdul-fataax Al-Siisii.

 Madaxweyne Farmaajo ayaa guddoomay dhambaalka looga siday madaxweynaha Maser, isla markaana uga mahadceliyey.



Dhambaalka ayaa ahaa hambalyo ku aaddan xilka madaxweynenimo ee loo doortay siddeeddii bishaan, waxa uu sidoo kale ku sheegay in uu ku faraxsanahay iskaashiga iyo xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, wasiir ku xigeenka iyo ku xigeenka Danjiraha Soomaaliya ee dalka Maser ayaa kulanka ku wehliyey madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.



Dr Cabdi-salaam Hadliye Cumar Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa si kooban u sheegay in kulanka sidoo kale inta uu socdey la isla gartay in la sii wado iskaashiga labada dal, lana kordhiyo wax wada-qabsiga dhinacyada amniga, Ganacsiga iyo midka Diblomaasiyaddeed.

 

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.