X

Madaxweyne Farmaajo oo booqdey goobtii argagixisadu ku xasuuqdey dadkeena dhiigna shubey

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqdey goobtii argagixisadu ku xasuuqdey dadkeena kadibna booqdey dhaawacyadii la geeyay isbitaalada halkaas oo uu dhiig u shubey.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in si wadajira looga qaybqaato si dadka dhaawacan loo badbaadiyo kuna baaqay sadex maalmood oo baroordiiqa.



Argagixisada ayaa markasta ku qosla xasuuqa dadkeena ayagoo gaaleeyay dadkeena kadibna xalaashadeey dhiigeena. Waxa welli la soo faqayaa goobtii ay dadkeena ku xasuuqeen waxana Jira meydad horleh oo la helay saaka.

Taas oo ka dhigeysa in khasaaraha dhabta ah aan tiro lagu hayn. Madaxweyne Farmaajo ayaa indhihiisa ku soo arkey xasuuqa argagixisadu u gaysatey dadkeena.



Dhinaca kale gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa isna ku baaqay banaanbax horleh oo dadku ku muujiyaan cadhadooda inkastoo dadka badankiisu qabaan in dhirbaaxo kulul loo geysto argagixisada si xora u joogta gobolada Koofurta.



Diciifnimada dawlada ayaa keenaysa in awoodeedu yartahay ay dalka uga xoreyn karto argagixisada dhiigeena xalaashatey ayadoo wadamada lacagta badan ku qaata la dagaalanka dhiigmiiratadan ayna haysan miisaaniyad ama ciidan ku filan ama ay ka caga jiidayaan maadaama dantoodu ku jirto sii joogida.

Si kastaba ha ahaatee wey adagtahay sida lagu joojiyo argagixis diin beena lagu shubey oo isqarxin raba. RW Kheyre ayaa isna guddi u saaray xasuuqii shalay galab.

Waxaan shiki ku jirin in welli dadka Somalida ay ku dhex jiraan dad caqligoodu ku filneyn oo ka baqaya in ay sheegeen cadowga ku dhexjira ee xasuuqaya taas oo haddii ay soo sheegi lahaayeen ugu yaraan la badbaadi lahaa dadkeena caruur iyo ciroolaba.

Shaqaalaha dawlada ayaa manta la fasaxay si ay uga qayb qaataan badbaadinta dadkii dhaawacmey halka Turkigu sheegay in dhaawaca la keeni doono Turkiga soona dirayio helikobtaro.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

 


admin:

This website uses cookies.