X

Madaxweyne Farmaajo oo booqdey isbitaalkii ciidanka xooga dalka: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqdey isbitaalkii ciidanka xooga dalka. Madaxweynaha ayaa dul istaagay xaaladda bukaannada ku jira Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka.

Wuxuu si gaara u fiiriyay Askarta ku soo dhaawacmay howl-gallada ka dhanka ah argagixisada isagoona warbixintooda ka dhageystay dhakhaatiirta ka howlgala Isbitaalka.



Farmaajo ayaa tilmaamay sida ay uga go’antahay wax u qabashada ciidanka ku dhaawacmay howlgallada dalka lagaga xoreeynayo argagixisada iyadoona uu faray Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Xoogga in ay sii kordhiyaan heeganka ay ku jiraan.



“In aan dhammaanteen u istaagno daryeelka iyo ka war-qabka ciidanka u dhaawacmay difaaca dalkeenna waa waajib uu ina farayo damiirkeenna iyo diinteenaba, Soomaaliya maanta xaaladda ay ku jiro waxaa ka samata bixin kara ciidankeeda oo taageero dhinac walba ah ka hela shacabkoooda.” Ayuu yiri Farmaajo.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.