X

Madaxweyne Farmaajo oo faahfaahiyay dadaalada xukuumada ee cudurka Kooro

Madaxweynaha ayaa tilmaamay dadaalka xooggan ee lagu bixiyey sidii dalalka aan saaxiibbada nahay ay inoogu taageeri lahaayeen qalabkan caafimaad, maadaama dalalkaasi laftigoodu ay baahi weyn u qabeen qalabka caafimaad ee ay inoogu deeqeen.


“Xaaladda dunida ka jirta ee uu sababay cudurka Kooro waa mid saameyn xooggan ku yeelatay dhinac kasta oo nolasha ah, sidaas darteed dalalka walaalaha ah ee inoo fidiyey gurmadka caafimaad -wakhtigan adag- waa mid aan u xasuusan doonno dowlado iyo hay’adaba.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xasan Cali Kheyre iyo laamaha caafimaadka dalka iyo Guddiga Qaran ee Xakameynta Kooro, dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.


Dhankooda, Guddiga Qaran ee Xakameynta ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha xogta ku saabsan badqabka caafimaad ee dalka, xaaladda bukaannada ku jira Goobaha Karantiilka iyo heerka ay gaarsiisan yihiin dadaallada wacyigelinta bulshada ee ku aaddan halista cudurka Kooro.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.