Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa manta fuliyay balan qad uu hore u fuliyay kadib weerarkii cadowga ummada Somaliyeed ku qaadeen xilligii loo doortey madaxtooyada.
Madaxwyenaha Soomaaliya ayaa maanta ku guuleystay in uu dalka Turkiga u qaado 3 kamid ah qoysaskii ay waxyaalada kasoo gaartay hoobiyayaal argagixisada ku garaacday
Qoysaskaan ayaa ku dhaawacmay hoobiyayal argagixisadu ku soo tuureen agagaarka madaxtooyada Soomaaliya kadib markii uu guryahooda ugu tagay hoobiyayaashaas.
Qoysaskaan maanta laga dhoofiyey garoonka Muqdisho ayaa arrimo caafimaad loogu qaaday dalka Turkiga oo ah dowladda ay saaxiibo dhaw yihiin Dowladda Soomaaliya.
Dadkaas waxaa garoonka diyaaraadaha ku sagootiyey Madaxtooyada Danjire Cali Saciid Faqi iyo sidoo kale agaasimaha arrimaha bulsshada Cabdiraxmaan Timoos.
Tallaabadaan ayaa muujineyso inuu Farmaajo fullinayo ballanqaadkii ahaa inuu dalka dibadiisa kusoo daaweyn doono cid kasta oo ku waxyeelowdo dhibaatada ay Al-Shabaab ka wadaan Soomaaliya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS