X

Madaxweyne Farmaajo oo furey kalfadhiga barlamaanka

Madaxweyne Farmaajo ayaa furey kalfadhiga afraad ee barlamaanka Somaliya oo ka soo noqdy fasax ay ku jireen muddo bil iyo badh ah.


Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay Xafladda Furitaanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay guulo waa weyn ka gaartay intii ay jirtay.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay doonayso in ay dib u soo celiso Sharaftii ay Karaamadii lagu yaqaanay Soomaaliya.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa diiday in ay ka qeyb galaan Furitaanka kalfadhiga oo si wadajir ah loo furi jiray, waxaana ay sheegeen in ay maalin kale dhigan dooanan Xaflad.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dugsiga Tababbarka Booliiska ee Janaraal Kaahiye maanta ka furay Kaladhigii Afraad ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed.



Madaxweynaha ayaa gudanayay waajibkiisa dastuuriga ee ah in uu furo kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.