X

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Cadaado iyo xal laga gaaray xurguf jirtey

Madaxweyne Farmaajo ayaa mar labaad gaaray magaalada Cadaado oo ahayd xaruntii hore ee maamulka Galmudug. Madaxweynaha ayaa xaliyay muran ka dhashay heshiiskii Ahlu Suna.



Madaxweynaha ayaa kaga dhawaaqay Cadaado in magaaladu noqon doonto xarunta barlamaanka ee Galmudug. Lama garan karo sida tani u shaqayn doonto maadaama Dhuusamareeb tahay xarunta maamulka.

Odayaasha dhaqanka ee magaalada Cadaado ayaa walaac ka muujiyay heshiiska Ahlusuna iyo Xaaf oo ay ku tilmaameen mid hal dhinac ah ayagoo reer Cadaado hore u lahaa maamul.



Madaxweynaha ayaa kadib la filayaa inuu gaaro magaalo xeebeedka Hobyo oo ahayd inuu shalay booqdo laakiin arimo badan oo horyaalay ka baajiyeen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.