X

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Puntland iyo ujeedada safarkiisa: SAWIRO hodhaca

Madaxweyne Farmaajo ayaa gaaray Puntland iyo ujeedada safarkiisa oo laga waramay. Qabanqaabada safarka madaxweynaha ayaa lagu jirey in usbuucii la soo dhaafay.



Puntland ayaa ka baxsan xayndaabka madaxweynaha ee ilaalinta ciidanka Amisom waxase la geeyay Puntland ciidamo ka tirsan xooga dalka.

Madaxweynaha ayaa intuu joogo Puntland waxa uu furi doonaa garoonka Garoowe oo laga dhigey laami, wuxuu kaloo booqan doonaa sida la sheegayo magaalada dekedda ee Boosaaso.



Booqashada madaxweynaha ee Puntland ayaa la filayaa inay ka duwanaato kuwii isaga ka horeeyayay oo ay ku Jiri karto goobo aan hore loo booqan oo dhaafsan Garoowe.

Safarka madaxweynaha ayaa la filaayay inu ku gaaro Sanaag taas oo hadda la sheegayo inaan waqtigu u saamaxayn hadduu tagana noqon lahaa madaxweynihii uGu horeeyay ee taga deegaano siyaasiyiintooda kolba dhibac u ordaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.