X

Madaxweyne Farmaajo oo garowsaday kaalintii aqoonyahan Xuseen Ceelaabe Faahiye

Waxa dhawaan madaxweynaha Somaliya ugu magac daray daarta wasaarada qorsheynta ee magaalada Muqdisho ruug cadaa aqoonyahan Prof Xuseen Ceelaabe Faahiye oo kalin weyn ku lahaa kor u qaadidii wasaarada iyo tayadeeda. Wasaaradan ayaa ahayd wasaarada keliya ee u shaqaysa sidii loogu talogalay halka wasaaradaha kale lagu waday feedh iyo laad.


Inkastoo dawladii Siyaad Barre ayna siinin Prof Xuseen Ceelaabe jagada uu mudan yahay wax markasta la hoos dhigi jirey nin jufeysan ama lagu magacaabay qab qabiilaysan.


Madaxweyne Farmaajo oo raba inuu bedelo taariikhdaas oo qofkasta wuxuu mudan yahay ku xushmeeye ayaa qirtey kaalintii Xuseen ku lahaa dalka, waana ta ugu yaraan loogu magacdaray wasaaradii uu dhismaheeda lahaa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.