X

Madaxweyne Farmaajo oo ka mida madaxda beri ka qaybgalaysa shirka Turkiga

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mida madaxda beri ka qaybgalaysa shirka Turkiga ka dhacaya ee uu ku baaqay madaxweynaha Turkiga Rajab Erdogan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ka qeyb-galayaa shirka Qudus oo 6dii bishaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan si Madaxda Islaamka ee ku mideysan OIC ay isula gorfeeyaan go’aanka Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus uu ugu aqoonsaday in ay caasimad u tahay Israaiil.



”Agaasimaha waxa uu sheegay in shirku uu bilaabanayo maalinta Arbacada ah iyadoona la filayo in ay ka soo qeyb-galaan madax iyo wufuud ka socota 57da dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.



“Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dhidibada u taagay Ururka Iskaashiga Islaamka. Sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan kaalinteenna ka qaadano go’aan ka gaarista arrimaha nagu xeeran ama ku soo kordha dalalkan aan bahwadaagta nahay.”

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.