X

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in la kordhiyo maalgeshida: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in la kordhiyo maalgeshida Afrika asagoo ku sugan dalkaasi Masar halkaas oo uu kaga qaybgalayo shirka ganacsiga.



Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey fagaare ay ka soo qeyb galeen Madaxda Afrika ee shirkan qeybta ka ah, maamulayaal bangiyo caalami ah, ganacsato, khubaro dhaqaale iyo maal-qabeenno ayaa yiri “kulamadani waxa ay muujinayan baahida aan u qabno in aan abuurno jawi maalgashi oo soo jiidanaya maalgashade-yaasha shisheeye iyo kuwa gudaha, waa hiigsi ay dooneyso dowladda kasta in ay ka dhabayso. Si loo gaaro iskaashi dhaqaale oo dhexdeenna ah waa in aan arrinkan ka wada shaqeynaa oo xirriir qoto dheer ka yeelannaa.“

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu madasha ku soo bandhigay khayraadka ay hodonka ku tahay Soomaaliya, fursadaha maal gashi iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ah ee Afrika ay qorshaynayso in dhidibada loo taago.



“Soomaaliya waa dal hodan ku ah macdanta noocyadeeda kala duwan, gaaska dabiiciga ah iyo saliidda kuwaas oo dhammaantood soo jiidanaya indhaha maalgashade-yaasha Afrika iyo caalamkaba, waxaan kale oo leennahay xeebta ugu dheer Afrika iyo dhul aad u ballaaran oo ku habboon beeraha iyo wax soo saarka taas oo suurta gelineysa in Soomaaliya ay hormuud u noqoto haqab-tirka baahiyaha cunto ee Qaaradda Afrika.”



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.