X

Madaxweyne Farmaajo oo kulan doceed la qaatey RW Kanada: SAWIRO

Madaxweynaha Somaliya Farmaajo ayaa kulan doceed Kula qaatey magaalada Addis Ababa ee xarunta midowga Afrika raiisal wasaaraha dalkaasi Kanada oo ay Ku noolyihiin jaaliyad balaaran oo halkaasi qaxootinimo ku jooga, qaarkoodna hadda wasiiro ka yihiin.


Madaxweynaha ayaa sheegay inuu Kanada uga mahadcelinayo fursadaha shaqo iyo waxbarasho ee dalkiisu u fidiyeen Somalidii ku soo jabtey dalkooda xilligii burburka.


Shirka madaxweynaha Somaliya ka qayb galayo ayaa la soo xirayaa beri oo Isniina, dalalka  codka u soo doontey Afrika waxa Ka mida Kanada oo rabta kursiga qaramada midoobey, halka ay u balan qaaday Afrikaanka inay maalgeshi Ku samayso meelaha qaar.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.