Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmey dhigiisa Jabuuti iyo sawiradii soo dhaweynta. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Geelle kaalinta uu ka geysto nabadeynta iyo dib u kabashada Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay mar walba u garab taaganyihiin.
Madaxweynaha waxa uu si gaar ah u xusay gurmadkii caafimaadka degdega ahaa ee Jabuuti ay u fidisay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Soobe.
“Jabuuti waxa ay noo tahay hiil aan isku hallayn karno. Wakhtiyadii adkaa sida aad noo garab istaagteen waa idiin ogsoonnahay. Soomaaliya maanta cadawga kaliya ee ay leedahay waa Al-shabaab. Sidaas darteed waxa aan idin ka filanynaa in aad nagala shaqaysaan in aan cadawgaas aan ka tir tirno guud ahaan dalka.”
Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dalkiisu uu garab ku siinaayo Soomaaliya tallaabo kasta oo u horseedaysa xasillooni waarta iyo amni buuxa.
“Dhabtii waa noo muuqataa dhibaatada argagixisada alshabaab ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed. Qof waliba waa arkay khasaarihii ka dhashay qarixii Soobe, waxaanse idiin caddaynayaa in aanan idin ku fiirsanayn cadawgaas. Mar kasta Jabuuti waxa ay idinla garab taagantahay hiil iyo hoo.”
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS