Madaxweynaha Somaliya Farmaajo ayaa magacaabay gudigan xal u raadinta cabashada maamulka Somalilaan oo hore u sheegay inay ra’iisal wasaare waayeen kadibna goosad ku dhawaaqeen. Guddigan madaxweynuhu magacaabay oo wada ruug cadaaya ayaa Muuse Bixi ku qosley kuna tilmaamey kuwii iyaga diley.
Waxay kaloo ka xanaaqeen inay ku jiraan xubno ISAAQA oo ay hore u diideen in lagu soo daro ayagoo ku doodaya in sheekada laga dhigo mid ah qabiilada Koofur dega iyo kuwa Woqooyi.
Muuse Biixi ayaan arkin in kuwa Woqooyiga laga soo xulo ay boqolkiiba 98 yihiin ISAAQ oo ayna ku jirinba beelaha kale ee muhiimka ah haddii sheekadu Woqooyi iyo Koofur tahay.
Muuse Biixi handaraab ayaan hadda matalin beesha ISAAQ waana in laga hadlaa xaqiiqda taala ee jirta gobolada Woqooyi waana la socotaa dawlada Somaliya ayuu yiri Xuseen Warsame.
Jabhadda Korneyl Caare miyaa lala hadlaa iyo Muuse Biixi midkee haboon ayuu raaciyay Xuseen Warsame o Hargeysa jooga.
Guddiga madaxweynuhu magacaabay ayaa uga waramay caqabadaha jira.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS