X

Madaxweyne Farmaajo oo laba safiir ka gudoomey warqadaha safiirnimada: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayaa laba safiir ka gudoomey warqadaha safiirnimada xilli wadamada caalamku rabaan in ay xiriir la samaystaan Somaliya oo ay soo noqonayso dawladnimadii inkastoo welli aan la is gaarin.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Jeeg (Czech) u soo magacawday Soomaaliya Karel Hecj.

Jamhuuriyadda Jeeg (Czech) ayaa muddo dheer wax safiir ah u joogin Soomaaliya, waxaana Safiirkan uu noqonayaa kii u horeeyay ee Soomaaliya u soo magacawdo muddo 30 sano.



Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Waqooyiga Ireland u soo magacawday Soomaaliya Mr Vincent O’nell.

Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkii u dambeeyay waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Dhowr Safiir oo dalal dhowr ah u soo magacawdeen Soomaaliya.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.