Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu qasbey inuu la hadlo Muuse Biixi waxa loogu yeero wadahadalo Somaliland iyo Koofurta Somaliya. Dadka siyaasada indha indheeya ayaa ku tilmaamey waqti lumiskii ugu weynaa ee madaxweyne Farmaajo sameeyo.
Safiirka Somaliya u fadhiya Turkiga ayaa bartiisa baraha bulshada ku sheegay in Turkigu magacaabay safiirkii hore ee Turkiga u joogey Somaliya Bekar inuu noqdo ninka u xilsaaran. Qaar ka tirsan siyaasiyinta Somaliland ayaa diidey Turkiga oo ah dal Muslim uguna dhow Somalida hadda.
Muuse Biixi iyo inta ku wareegsan ayaa raba inuu Ingiriiska, Danmaak ama Norwey duljooge ka ahaadaan. Maamulka Somaliland ayaa waxa ku furan jabhad rabta inay soo celiso cadaalada joogtana SANAAG iyo Puntland uuna hogaamiyo Caare.
Siyaasiyiinta reer Woqooyiga ayaa qaba in ay tahay qaladweyn xilli dadka reer Woqooyigu u baahan yihiin inay wadahadlaan iyaga dhexdoodu dhisaananidaam ay kuwada qanacsan yihiin, in Madaxweyne Farmaajo ka yeelo shisheeye inuu fursad siiyo Muuse Biixi oo aan matalin xataa reerkiisa oo wada dhan.
Somalida ha wadahadasho iyadu intii dalal shisheeye loo carari lahaa ayuu yiri Xasan Caydiid oo Hargeysa, anaga reer Somaliland ah ayaa u baahan in aan wadahadalo horta laakin waa arin shisheeye wato ayuu raaciyay
Lama sheegin xilliga dawlada Somaliya la bilaabi doonto kulanka maamulka Somaliland.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS