X

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Imaaraadka maxaase horyaala: SAWIRO

Madaxweynaha Somaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Imaaraadka Carabta halkaas oo la filayo in laysla soo qaado arin xasaasiya oo la xiriirta jiritaanka qaranimada Somaliya oo Imaaraadku ku xadgudbayo.

Imaaraadka ayaa maamul jufeedyada kala wareegaya dekedaha taas oo ka baxsan nidaamka dawladnimo si xuna u yasay qaranka Somaliyeed asagoo ka faaiideysanaya burburka.



Maamul jufeedyada Somaliland iyo Puntland ayaa is moodey dawlad waxayna xaqal jeeb riqiisa ku gadanayaan hanti Somaliyeed oo ma guurto ah.



Madaxweyne Farmaajo ayaa dadku ka warsugayaa in uu war ka keeno iyo inuu ku bedesho waxkale hanti qaran. Dadka badankiisa ayaa qaba in uu Imaaraadka ka codsan doono in uu soo maro wadada saxda ah.

Kulankan ayay dhici kartaa in uu fadeexad ama guul kala soo noqdo. Imaaraadka ayaa ka mid ahaa dawladaha maalgeliyay qarankii hore sida dhisidii warshadii sonkorta hadase wuxuu qayb ka yahay dagaal dimeed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.