X

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay la taliye dhinaca arimaha bulshada

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay xil  cusub oo ka mid noqoneysa la-taliyeyaasha madaxweynaha.

Xilkan ayaa ah la-taliyaha madaxweynaha ee dhinaca arrimaha bulshada, waxaana loo magacaabay Caasho Abuukar Qaasim.



Wareegtada magacaabidda Caasha ayaa waxaa baahiyay warbaahinta dowladda, waxaana madaxweynuhu sheegay inuu xilkan u magacaabay kadib markii uu arkay baahida loo qabto xilkan

Madaxweyne Farmaajo ayaa leh la-taliyeyaal fara badan iyo saaxiibo ka hoos shaqeeya oo aan weli xilal lagu magacaabin.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.