Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay R/wasaare ku xigeenka Wadanka Turkiga oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Mudane Veysi Keynak R/wasaaraha Wadanka Turkiga ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka u dhaxeeya labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa R/wasaaraha Turkiga kaga mahadceliyay Booqashada uu maanta ku yimid Magaalada Muqdisho, iyo taageerada Balaaran ee dowladda Turkiga ay siiso Soomaaliya.
Veysi Keynak ayaa sidoo kale maanta Xafiisyadooda wuxuu kula kulmay R/wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS