Madaxweyne Farmaajo ayaa sharaxay waxyaabaha uu qabsoomey sadexdii bilood ee u dambeeyay mar uu xalay ka hadlayay munaasabada 15 May.
Farmaajo ayaa sheegay in dowladiisu ay dadaal ku bixisay in ciidamada iyo shaqaalaha dowlada ay helaan mushaarkooda tooska ah tan iyo markii isaga la doortay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay iney caalamka ugudbiyeen in Soomaaliyada cusub ay dooneyso horu socod isla markaana ay dalbadeen in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.
“Saddexda bilood ee aan joogno waxaan qabannay, inaan bixinay mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha Rayidka ee dowladda, waxaan bilowney inaan soo celinay Karaamadii ummaddeenna oo dalalka adduunka dhan ay noo muujiyeen in ay diyaar u yihiin u istaagidda wax wada qabsi buuxa, shacabka Soomaaliyeed dowladdaan waa middii shacabka, ugu dambeyn waxaan soo jeedinayaa magaalada markaa aragtaan meel walbaa wasakh ayaa taalla, waxaan bilaaabeynaaa ololaha dalkaaga wax u qabso, bishii laba saac kaliyah arrintaan aan ka shaqeynno anigaana bilaaabaya INSHA ALLAH, waxaan kaloo soo jeedinaayaa in maalinta 15-ka May loo asteeyo Maalin Qaran oo fasax ah” ayuu ku dhammeeyey madaxweynaha hadalkiisa.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS