Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay hadal ka farxiyay maamulka Somaliland. Madaxweynaha oo ka hadlayay sanad xilliyeedkiisa ugu horeeyay ayaa ka Hadley dib u heshiisiinta.
Madaxa QM ayaa Farmaajo ku cadaadiyay inuu furo la hadalka maamulka Somaliland taas oo maamulka Somaliland ka codsadeen markii ay la kulmeen wasiirka arimaha dibedda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dib u furi doonaan dib u heshiisiinta iyo is dhexgalka shacabka Somaliyeed isla markaana la qancin doono tabashada ka imaanaysa siyaasiyiinta beesha dhexe.
Madaxweynaha ayaa amaaney kulankii dhexmaray wasiirka arimaha dibedda iyo wasiirka maxaliga ah ee maamulka Somaliland Sacad Cali Shire.
Lama sheegin goorta loo furi doono inkastoo siyaasiyiinta beesha dhexe jecelyihiin inay dalal kale kula kulmaan madaxda dalka.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS