Madaxweynaha Somaliya Maxamed Farmaajo ayaa si deg dega ugu baxay dalkaasi Masar halkaasi oo uu baryahan ku sugnaa wasiirka arimaha dibedda Somaliya Axmed Ciise Cawad oo isagu kulamo balaaran la qaatay wasiirada arimaha dibedda Carabtabiyo kuwa Afrika oo shir uga socday.
Safarka madaxeeynaha ayaa u muuqda inuu yahay mid uu kaga qaybgalayo shirka midowga Afrika oo doorkan lagu qaban dooni Qaahira. Waxa madaxweynuhu ka kulmi doonaa madaxda geeska iyo dabcan madaxweyne Sisi.
Masar ayaa ah dal fiqiira oo aan waxba ku soo kordhin karin qarashaadka ay u baahan tahay dawlada Somaliya inkastoo hubka uu siiyo Maraykanku iyo kuwa yaryar ee ay samaystaan ay ka faaiideysan karaan ciidanka Somaliya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS