X

Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay caasimada Itoobiya: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay caasimada Itoobiya. Waa lugtii labaad ee madaxweynuhu ku marayo wadamada jaarka ah ee dagaalka kula jira argagixisada xasuuqdeyt dadkeena.



Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis, Mas’uuliyiin uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya Mudane Workneh Gebeyehu.



Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in safarkiisa uu salka ku hayo sidii loo dar-dar gelin lahaa dagaalka ka dhanka argagixisada Shabaab isla markaasna loo midayn lahaa qorshayaasha wadamada geeska Afrika ee ay ku wajahaayaan ka hor-tagga khatarta argagixisada.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.