X

Madaxweyne Farmaajo oo si kulul uga hadlay xasuuqii argagixisada ee Gaalkacayo

Madaxweynaha Somaliya oo berito oo Sabti ah u socda Jabuuti ayaa si gaara tacsi ugu direy ciidanka xooga Somaliyed kadib markii qarax ay dhigeen dhuiigmiiratada shabaab ay ku dhinteen dhowr ka tirsan ciidanka xooga.


Askarta dhimatey ayaa joogey banaanka goob lagu soo dhaweynayay raiisal wasaare Maxamed Xuseen. Waxase su’aalo badan layska weydiiyay cida fududeysay qaraxa oo loo malaynayo inay yihiin xubno ku dhuumanaya askarta laakiin faafiya sirta madaxda.


”Waxaan tacsi u dirayaa ummada Somaliyeed gaar ahaan ciidanka xooga dalka ayuu yiri madaxwyne Farmaajo xasuuqa ay gaysteen argagixisada loogana hari maayo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.