Madaxweyne Farmaajo ayaa soo dhaweyn balaadhan loogu sameeyay Sucuudiga. Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudiga ayaa Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ku soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Jidda oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya Maxamed Bin Cabdul Fani Qiyaad.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu la kulmo Boqorka Dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, iyaga oo ka wada hadlaya arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS