X

Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweyn u sameeyay wefdi ka socda Jabuuti: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo dhaweyn u sameeyay wefdi ka socda Jabuuti oo yimi maalinta xoriyada. Wafdiga ka socday dalka Jabuuti ee la kulmay Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirrada Difaaca iyo Isgaarsiinta.


Waxa kale oo ku jiray diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho, fannaaniin ka tirsan Kooxda Xarbi ee Ciidamada Qalabka sida ee dalka Jabuuti iyo saraakiil ciidan.


Madaxweynaha ayaa yiri; “aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan idinkaga mahadcelinaynaa sida walaaltinimada leh ee aad noogala soo qeyb gasheen sanad guurada 58aad.


Madaxweynaha ayaa raaciyay ”Jabuuti waa dal aanu walaalo nahay, mar walbana garab iyo taageero noo ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.