X

Madaxweyne Farmaajo oo taageero laga fileyn siiyay Sucuudiga

Madaxweyne Farmaajo ayaa taageero laga fileyn siiyay Sucuudiga oo ku socda inuu galo khal khal siyaasadeed kadib markii uu Turkiga ku xasuuqey suxufi Jamaal Kashooqi.

Waa wax lala yaabo dal ummada Muslimka ah dhib weyn ku haya taageerana khalkhal gelinta Muslimiinta in la siiyo taageero ayuu yiri Maxamed C/raxmaan oo jooga Muqdisho.

Sucuudiga ayaa Wahaabiyada ku faafiya aduunka Muslimka ah wuxuuna ka masuul yahay burburka dalalka Ciraaq, Suuriya, Yaman iyo Liibiya. Wuxuu cunaqabatayn saaray dalka yar ee Qadar.


Wuxuu soo jeediyay in Somaliya lagu daro Itoobiya, wuxuu taageeraa dhamaan argagixisada ka jirta dunioda Muslimka.

Waxa dadku is waydiinayaan lacagta dawlada Somaliya ka qaadatey xilli raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre tagey Sucuudiga codsi ka yimi xagooda arinta suxufiga awgeed.

war saxaafaded ay soo saartey dawlada diciifka ah ayaa u qornaa sidan


“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale” ayuu lagu war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Goorma ayaan noqoney Muslim ka naxa kuwa kale xilli Carabta Sucuudiga uu ugu horeeyo aanu marna u gurman ummada Somaliyeed inuu wahaabiyad ku soo faafiyo mooyee ayuu raaciyay Maxamed C/raxmaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.