X

Madaxweyne Farmaajo oo taliye booliis dalacsiisay hal darajo iyo wuxuu ku mutaystey: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayaa taliye booliis dalacsiisay hal darajo iyo wuxuu ku mutaystey. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) ayaa ka hor inta aan la dalacsiin ahaa Sarreeye Guuto.


Farmaajo oo ka hadlayey Xaflad loogu magac daray Kulanka Xoogagga Wadaniyiinta Soomaaliyeed, ayaa ugu hambalyeeyey Halka darajo ee uu dalacay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko).


Dalacsiinta Taliyaha, ayaa timid kadib markii waxqabad muuqda uu ka sameeyey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana Taliska Booliska uu ku guuleystay dib u dhiska Ciidanka iyo in dib u dayactir lagu sameeyo qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka, kuwaasi oo ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.