X

Madaxweyne Farmaajo oo war ka soo saaray dagaal saaka dhexmaray Somaliland iyo Puntland

Madaxweyne Farmaajo muxuu ka yiri dagaal saaka dhexmaray maamulada Somaliland iyo Puntland. Dagaal qolo kasta ridatey waxay haystaan oo u badan hubkii dawladii hore ee burburtey ayaa labada maamul ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Waxa jira khasaare soo gaaray labada dhinacba haba kala bataane. Madaxweynaha oo war ka soo saaray arintan ayaa sheegay inay tahay wax laga xumaado dagaalka xilli laysku diyaarinayo bisha barakaysan ee Ramadaan.



Madaxweynaha ayaa uGu baaqaya Madaxda, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaalkan.

“Waa in dagaalka Tuka-raq si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu joojiyaa, wax walbana loo maraa dariiqa wadahadalka.”



Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu sidoo kale, baaq u diray beelaha walaalaha ah ee maalmihii lasoo dhaafay ay dirirtu ku dhex martay deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.