X

Madaxweyne Farmaajo oo war ka soo saaray shir maamulada Koofurtu ku yeesheen Kismaayo

Madaxweyne Farmaajo ayaa war ka soo saaray shir maamulada Koofurtu ku yeesheen Kismaayo oo ay ku sheegeen in ay iskaashadeen kuna diideen in ay ka mid noqdaan dastuurka.

Madaxweyne Farmaajo waxa uuna hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.



Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.



Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in ay marwalba imaan karto dhaliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.



Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.