Madaxweyne Farmaajo ayaa war ka soo saaray xil ka qaadistii golaha wasiiradu ku sameeyeen hantidhowraha qaranka oo ilaalo ka tirsan gaari uu lahaa ayaa toogasho ku dileen wasiir Cabaas Siraaji.
War ka soo baxay madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu aqbalay soo jeedinta golaha wasiirada ee xilka looga qaadey Nuur Faarax Xirsi.
Madaxweynaha ayaa isla markaas si rasmi xilka u qaaday Nuur Faarax halkaas oo xilkiisii si ku meelgaadha loogu wareejay ku xigeenkiisa.
Nuur Faarax Xirsi ayaa qirtey in ilaaladiisu furtey rasaasta laakiin aan isagu amrin.
Waxa la hayaa dhamaan intii la socotey gaariga oo uu sheegay in isagu u gacan geliyay ciidanka amniga.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS