Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ku hoyday Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga oo ku taala Degmada Deyniile Nawaaxiga Washaradaha.
Madaxweyne Farmaajo ayaa si KMG ah uga soo guuray xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo uu madaxweynaha ku shaqeeynaayay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay kulamo saacado badan qaatay la yeeshay Saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa dhiiragalin u sameeynaya Ciidamada xooga dalka si ay u qaadaan weeraro culus iyo hawlgalo dalka looga sifeynayo argagixisada Shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ahna Taliyaha guud ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa hoogaamin doona howlgalada ka dhanka ah dhiigmiiratada Shabaab.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS