X

Madaxweyne Farmaajo oo xariga ka jaray tiyaatarkii qaranka oo magac cusub loo bixiyay

Madaxweynaha Somaliya Farmaajo ayaa xariga ka jaray tiyaatarkii qaranka oo burburey kadib qowlasatadii qaranka dumisay magaalada loo baxay. Tiyaatarka ayaa dib loogu dhisay ololaha isxilqaanka ee lagu dhisay meelo badan.


“Dadka qaarkiis ayaa aaminsanaa in aan ku fashilmeyno dhaqan gelinta iyo ka miro dhalinta Olalaha Isxilqaan, iyagoo aaminsanaa in aysan dadkeennu waxba dhisan karin haddii aynan helin gacan shisheeye. Biyo sacabadaada ayaa lagaga dhergaa, wax innagu aynaan qabsan shisheeye inooma qabanayo.”

“Soomaali waa nooshahay, awood ay dib ugu soo laabatana waa leedahay. Waa dal hodon ah oo dadkiisu ay leeyihiin karti iyo hal abuur, waxa kaliya ee aan u baahannahay waa midnimo iyo in la xoojiyo wadaniyadda, isxilqaanka iyo ka shaqeynta danta guud.”


Fanaanada qaranka Nakruuma ayaa aad uga qiirootey haybad dib loo soo celiyay. Tiyaatarka ayaa hada loo bixiyay golaha murtida iyo wacyigelinta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.