Kooxdan hadalkoodu isugu jiro cabasho iyo af wax cuney, mar waxay ka cabanayaan ciidanka la sameeyey oo ay sheegeen inaan waxba laga weydiin cidna. Waxayna ula jeedaan inaan ayaga dhaqaalo la siin, balse horey ayaa loola shiray sida Madaxweyne Cali Khaliif sheegay isla markaana waa diideen xoreynta.
Waxa la ogaaday in xalay ay soo galeen magaalada xubno ka socda Garoowe iyagoo wada lacag laga soo aruuriyey Hargaysa iyo Garoowe, ayna soo urursheen madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Xaglatoosiye waxana dhaqaalahani qaybtiisii hore gaadhay xubnahan halka ka hadlaya inta kalana waxay ku wajahan tahay Cuqaasha iyo Madaxdhaqameedka.
Kooxdan ayaa ujeedadeedu tahay in Dhulbahante lagu kala jabiyo jufo jufo si halgankooda loo tirtiro, waxana ka muuqata sida ay u hadlayaan iyagoo sheeganaya magaalo Dhulbahante sida Buuhoodle.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS