Madaxweyne ku xigeenka Somali galbeed Mustafe Cagjar ayaa u digey kuwa welli jecel Tigreegii hilfaha loo qaaday ee la bururiyay milatari ahaan. Ciidanka dawlada dhexe ayaa ka soo baxay Maqale markay arkeen inayna jirin awood uga imaan kara.
Mustafe Cagjar oo la hadlaayay saxaafada ayaa sheegay in dhamaan la adkeeyay amniga gobolka Somali galbeed inkastoo Tigreegu qaraxyo ka ridi karin Somali galbeed, waxase muuqata in dawlado shisheeye sida Maraykanka ay wadaan qorshooyin hoose.
”Ururkii ummada Somaliyeed ka dhigey kuwo aan jirin mudada 30-ka sano ee xasuuqay isla markaana gaystey tacadiyo kufsi ku jiro marnaba ogolaan meyno inay jiraan kuwo u gacan haadinaya ayuu yiri Mustafe Cagjar.
Si kastaba ha ahaatee weerarkii lagu ekeeyay Tigreega ayaa dhamaanba lagu burburiyay awood milatari wixii ay lahaayeen kadibna laga soo saaray ciidanka, ayado hadda laga rabo wadamada ay ku jiraan Maraykanka oo iyagu taageersan Tigreega inay bixiyaan biilka gargaarka.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS