Washington–Maxkamad ugu weyn dalkaasi Maraykanka ayaa ku raacday xukuumada Obama in barnaamijkiisa caafimaadka uu yahay mid saxa isla markaana caawimaya in ka badan 16 milyan oo Maraykan ah oo Somalidu ku jirto oo aan haysan caymiska caafimaadka. Maxkamada ayaa fartaag waxay ku ogolaatay 6 iyo 3 in barnaamijkaasi qaybtiisa muhiimka ay socoto.
Xisbiga mucaaradka ee Republican ayaa isku dayay dhowr jeer in ay bedelaan barnaamijkaasi waxayse tani tahay guuldaradii u dambeysay iyadoo barnaamijka Obama ee caafimaadku guulaystay.
Rashid Ceelanyo
ARAABINEWS.COM