Ingiriiska ayaa u dareeraya bisha June 23-keeda in uu kasii mid noqdo reer Yurubta fideysa iyo in kale iyadoo Ingiriisku diidan yahay xadkeeda oo u furan Yurubta gaajada ah sida 12 wadan ee ku soo biirey Yurubta galbeedĀ sanadihii 2004 ilaa 2007.
Madaxweyne Obama oo London u yimi in uu ka qaybgalo dhalashada boqorada Ingiriiska oo sagaashan jirsanaysa ayaa soo farogeliyay aftida soo socota isagoo la saftey dawlada David Cameron oo weerar adag ka yimi mucaaradka yar laakiin firfircoon ee raba in Ingiriisku xoriyadiisa dawladnimo kala soo noqdo Yurubta fidaysa.
Waxase hadalka Obama si xun u cambaareeyay kooxda iyagu raba in Ingiriisku xoriyada la soo noqdo oo sheegay in Maraykanka ayna ka aqbalayn in uu xoriyada Ingiriiska noo sheego xilli iyagu wali ayna saxiixin qodobada caruurta lagu ilaaliyo iyo waliba ay diideen in ay taageeraan maxkamada caalamiga ee cadaalada.
Si kastaba ha ahaatee labada xisbi ee ugu weyn Ingiriiska ayaa iyagu u ololeeya in ay Yurub ku jiraan laakiin ay la soo noqdaan qaybo badan oo la xiriira xuduuda dalka la wadaago Yurubta kale.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS