Madaxweynaha Maraykanka Obama ayaa noqdey madaxweynihii ugu horeeyay ee booqda Kuuba muddo ka badan 50 sano oo ay u dhaxaysay colaad xun oo keentay in Kuuba iyo USA dhexmaro dagaal foolka foola. Kuuba ayaa ku jirtey xulafadii adkayd ee Waarsaw intii ayna burburin sanadii 1991.
Obama ayaa waxa madaarka ku soo dhaweeyay madaxweynaha Kuuba Raul Castro. Inkastoo Maraykanku cunaqabatayn saaray Kuuba hadana Kuuba ayaa noqotey dal isku filan oo ka adag dadkeeda iyo dhaqaalaheeda keentayna nidaam lagaga dayan karo sida caafimaadka.
Booqashada Madaxweynaha oo qaadan doonto saddex cisho, ayaa inta uu dalkaasi ku sugan yahay waxaa lagu wadaa inuu kulamo kala duwan kula qaato Madaxda Xukuumadda, mucaaradka iyo qaybaha bulshada.
Madaxweynaha Mareykanka, ayaa bogga uu ku leeyahay Twitterka ku soo qoray in Cuba uu u yimid, sidii uu ugula kulmi lahaa dadka reer Cuba.
Shacabka reer Cuba, ayaa aad u hadalhaaya booqashada taariikhiga ah ee dalkooda uu ku yimid Madaxweyne Barack Obama, inkastoo ay jiraan dad saluugsan imaanshihiisa.
Booqashada Madaxweyne Obama ee Caasimadda Cuba, ayaa wax wayn ka bedeli karta xiriirka labada dal, waxaana la leeyahay waxay horseedi doontaa in uu hagaago xiriirka Cuba iyo Mareykanka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS