X

Madaxweynihii hore ee Tuuniisiya Sayn Ben Cali oo geeriyooday maxaase lagu xasuustaa

Madaxweynihii shacabku bililiqaystey guryihii uu deganaa oo wada dahaba Ben Cali ayaa ku geeriyooday Sucuudiga. Wuxuu xukunka ka tuurey Xabiib Burqiiba oo ahaa hogaamiye xukunka kala wareegay Faransiiska laakiin da’weyn ku gaaray xukunka.


”Waxaan rabay inaan soo celiyo amarka iyo kala dambeynta ayuu yiri markii la waraystey sanadii 1988 ee uu xukunka bilaa dhiig kala wareegay. Wuxuu intaas raaciyay madaxweynuhu wuu gaboobey kuwa ku ag-wareegsana waxay ahaayeen sun.

Dadka reer Tuuniisiya ayaa aad u soo dhaweeyay la wareegida xukunka dalka uu la wareegay Sayn Ben Cali laakiin Tuuniisiya waa dal fiqiira oo aan saliid lahayn waxa kaliya ee ay haystaan waa nabad iyo dhul ku fiican dalxiiska.


Waxa Tuuniisiya gashay nabad iyo barwaaqo muddo 20 sano ah. Intaas wixii ka dambeeyay waxa adkaadey dhaqaalaha, dadkuna awood uma yeelan ay wax ku iibsadaan.

Waxana kadib bilaabmey kacdoono xukunka looga tuurayo inkastoo ay dhicisoobeen ilaa uu sanadii 2010 uu ka baxsaday dalka isaga iyo xaaskiisa una baxsadeen Sucuudiga kadib markii lagu soo xoomey.


Tuuniisiya ayaa gashay qalqal siyaasadeed oo foolxun waxana Meesha ka baxay amnigii dadku haysteen waxayna qaylo ka soo daba direen madaxweynaha ay bililiqaysteen hantidiisa. Waase xanuusaday.


Waxa dalka soo galay argagixisada waxana luntey xoriyadii dadka. Sayn Ben Cali ayaa iska qariyay Tuunisiya mudadaas qasku jirey. Waxa ugu dambeyn la cafiyay madaxweynaha waxana lagu guulaystey in xaalada la dejiyo lana qabto doorasho welli cadayn cida ku guulaystey.

Tuunisiya ayaa ku badbaadey ciidanka qaranka oo u dhisnaa oo u diidey argagixisada inay sal dhigtaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.