X

Madaxweynihii hore ee Yaman oo Sanca lagu dilay iyo sida dilku u dhacay

Madaxweynihii hore ee Yaman ayaa Sanca lagu dilay iyo sida dilku u dhacay. Cali Cabdalla Saalax oo muddo dheer soo xukumayay dalkaasi ayaa khilaafay wadajirkii looga soo horjeeday Sucuudiga.

War ka soo baxay dawlada Yaman ayaa lagu sheegay in Cali Cabdalla Saalax lagu diley iska hor imaad dhexmaray xaq u dirirka ciidanka Yaman iyo falaago raacsanayd.



Cali Cabdalla Saalax ayaa codsi u direy Sucuudiga kana codsaday inuu ku soo biirayo haddii laga daayo duqeymaha iyo burburka dalka lagu hayo.

Cali ayaa la sheegay in lagu diley iswaydaarsi ka dhacay duleedka Sanca mar uu madaxweynihii hore u socday tuuladiisa.

Sawirada lala wareegayo baraha bulshada ayaa lagu soo bandhigey wax u eg madaxweynihii hore oo madaxa laga toogtey. Masuuliyiinta Sanca ayaa sheegay in dabadhilifkii dhintey haddana loo baahan yahay in lays dejiyo.



Sucuudiga ayaa jabin kari waayay dalka fiqiirka ah ee Yaman asagoo u isticmaalaya hub waaweyn oo uu ku garaaco meelaha bulshada danta u ah sida isbitaalada, dugsiyada iyo masaajidada.

Dilka madaxweynihii hore ayaa ka dhigin in xukuumadu lumisay taageero balaaran inkastoo dadka badankiisu ogaayeen in nacaybka Xaddi uu ka weyn yahay kan loo qabo Xuutiyiinta.



Sawirka hoose wa maydka C C Saaalax

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.