X

Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag oo maanta iyadu CIIDEY

Iyadoo Somaliya inteeda kale ay maanta u ahayd maalin Soon ayaa magaalada Badhan ee gobolka Sanaag waxay u ahayd CIID. Magaalada ayaa saaka laga tukaday salaada CIIDA halkaas oo culimadu u qudbeeyeen dadka.

Waxa la sheegay in tiraba sadex mar laga arkay magaalada ama meelaha u dhow sidaana lagu CIIDEY maanta. Tani waxay muujinaysaa in ayna jirin hal maamul oo WALI Somalidu ugu yeeri karto maamul ay wada leeyihiin.

Badhan waxa sheegta maamulka Somaliland halka dadka deegaanku marar badan sheegeen in gobolkani aayihiisa ka tashan doono.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.