X

Magaalooyinka waaweyn ee Oromada oo hadda degan kadib dilkii fanaankooda

Hogamiyeyaasha Oromada ayaa ugu baaqay dad rabshado ka dhigey caasimada Addis ababa iyo magaalooyinka waaweyn ee Oromada inay guryahooda ku noqdaan kadib markii ay si aada uga cadhoodeen dil qorsheysan oo Tigreegu u gaystey fanaan caan ahaa.

Oromada ayaa hadda soo jeeda oo cadkeeda goosanaysa kadib markii xukunka lagu wareejay Cabi Axmed.


Dilka dhacay wuxuu sii xoojinayaa siyaasada heeheebaysa ee Itoobiya. Raiisal wasaare Cabi Axmed oo tacsi ka direy dilka fanaanka ayaa balan qaaday in gacan bira lagu soo qaban doono ragga ka dambeeyay.

Dhankiisa Jawar Maxamed oo hogaamiya urur Oromo ah islamarkaana mucaarad ku ah xukuumadda Cabi ayaa ka hadlay rabashadahaasi, wuxuuna dalbadey isdejin markii goobo dab la qabadsiiyay.


Harar, Jimma, Adama, Addis ababa

Magaalooyinka waaweyn ee Oromadu degaan ayaa inta badan ay banaanbaxyadu ka dhaceen. Magaalada Herer waxa dab la qabadsiiyay gaalka weyn Ras Mekenon ee taaladiisu ku taalo Harar. Ras Mekenon ayaa ahaa gaalkii weynaa ee xukumaayay Itoobiya ee Muslimiintana dagaalka kula jirey, wuxuu xaruntiisa ka dhigtey Harar.


Fanaanka la diley ayaa si weyn caan ugu ahaa halganka Oromadu kula jirtey Tigreegii dalka haystey. Heesihiisa caanka ah waxa ka mida ”ha sugin in cid dibedda idiinka timaada, kaca oo fuula faraska, cid qasriga idiinka dhow ma jirto. Waxa dilkiisa ka dambeeyay Tigreega.

Dawlada ayaa sheegtay in dad loo qabtey. Fanaan Hajalu ayaa hore u sheegay in Tigreegu dil ugu soo hanjabay. Markii la isku dayay in meydkiisa lagu aaso magaaladiisa ayaa dadkii soo xoomey diideen ayna dalbadeen in lagu aaso Addis ababa.

Hajalu waa fanaan halgankiisa u dhintey (sawirka hoose)

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.