Waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan duqeyntii ciidamada Cirka Mareykanka ku qaadeen xero ay tababar uga socday ee Gobolka Hiiraan, gaar ahaan duleedka degmada Buuloburte, waxaana la sheegay in saraakiil sare ay uga dhinteen weerarkaasi.
Saraakiisha lagu dilay duqeynta Mareykanka ayaa la sheegay inuu ka mid yahay Sheekh Yuusuf Cali Ugaas oo uruka hiigmiiradka u qaabilsanaa gobolka Hiiraan iyo Sheekh Maxamed Mire oo isna ka mida saraakiisha howlgallada argagixisada.
Dadka degaanka ayaa ku waramay in qasaaraha Argagixisada kasoo gaaray duqeyntii Sabtida ee xerada Raaso ay tahay tii ugu weyneyd ee mar kaliya ku dhacday iyadoo dhaawacyo farabadan ay soo gaareen, waxaana dadka qaarkii dhimashada iyo dhaawaca ay gaarsiinayaan 200.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS